1296 Views

SAWIRO:-Qarax lala eegtay injineerada dhisaya Wadada Muqdisho & Afgooye

SAWIRO:-Qarax lala eegtay injineerada dhisaya Wadada Muqdisho & Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Wararka laga helayo duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in agagaarka Jaamacadda Shabeelle uu  Barqanimadii Maanta ka dhacay qarax khasaaro geystay,kaas oo ay kasoo baxayaan faah faahino kala duwan.

 

Qaraxaan ayaa la sheegay in lala eegtay Injineero ka mid ah kuwa dhismaha ka wada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,waxaana xilliga la qarxinaayey ay ku sugnaayeen meel u dhow Xarunta deegaanka Garas-baaleey ee duleedka Muqdisho.

 

Goobjoogayaal ayaa Idaacadda Risaala waxaa ay u xaqiijiyeen in qaraxaasi oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay Gaari HILUX oo ay wateen injineerada wada dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho & Afgooye,kuwaas oo u dhashay dalka turkiga,isla markaana ay ku dhaawacmeen mid  kamid ah Injineerada Turkiga &laba ka mid ah Askarta ilaalada u  ah.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la sheegay inay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad lagu qabqabtay,waxaana sidoo kale mudo hakad galay isku socodka dadka & Gaadiidka wallow markii dambe dib loo fasaxay.

 

Inta badan wadada xiriira Magalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Shabeelle ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah, iyada oo lala eegto Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment