348 Views

Weerar lagu qaaday saldhig Ruushka ciidamo loogu tababarayay

Weerar lagu qaaday saldhig Ruushka ciidamo loogu tababarayay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 16, 2022

Koox hubeysan ayaa 11 qof ku dishay saldhig lagu tababaro ciidamada o ku yaalla dalka Ruushka.

Markii askarta tababarka laga siinayay hub rididda, labo qof oo hubeysnaa ayaa rasaas ku furay koox mutadawaciin ah oo dooneysay in Ruushka ay uga qeybgalaan dagaalka Ukraine, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda ee Ria.

Labada qof dilka geystay ayaa isla goobta lagu toogtay, waxay arrintani ka dhacday gobolka Belgorod ee Ruushka ee dhaca xadka Ukraine.

Waxaana sidoo kale ku dhawaacmay 15 qof oo kale.

Barasaabka gobolka Belgorod ayaa sheegay in dad rayid ah aan lagu dilin saldhigga.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markiii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amar ku bixiyay in heegan la gelinayo 300,000 oo ciidan oo Ruush ah si ay uga qeyb qaataan.

Arrintani ayaa caro weyn ka dhalisay guud ahaan Ruushka, waxaana sare u kacday tirada dadka doonayo inay isaga baxaan Ruushka.

Dadka la dilay ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen mutadawiciin doonayay inay Ruushka ugu dagaallamaan Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post