855 Views

Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay natiijo ka soo baxday SAHAN la sameeyay

Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay natiijo ka soo baxday SAHAN la sameeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa uu soo bandhigay natiijo ka soo baxday SAHAN dadweyne oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Sahankaan ayaa ku saabsanaa Caabuqa Karoono 19 iyadoo dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxa ay u yaqaanaan CV19 iyo sida uu Sameynta ugu yeeshay noloshooda caadiga ah.
Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 Warbaahin oo maxalli ah halkaas oo ay dadka ku soo diriyeen fariimo ay uga soo jawaabayeen su’aalihii la weeydiiyay ee ku saabsanaa COVID-19.
Sida ka muuqatay natiijada Sahanka, dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa Caabuqa CV19 taasoo tusinaysa in maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigalin ballaaran oo ku aadaneed COVID-19, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post