573 Views

Madaxweyne Galmudug oo tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreesay ee Ciidamada Booliiska Galmudug

Madaxweyne Galmudug oo tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreesay ee Ciidamada Booliiska   Galmudug
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa tababar usoo xiray dufcaddii ugu horreesay ee Ciidamada Booliiska, kuwaasi oo laga kala keenay degmooyinka Maamulka.

Askartan oo muddo laba bilood ah tababarka ku qaadanayay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana ay ka kooban yihiin laba boqol oo askari.

Munaasadda tababarka loogu soo xiray ciidanka waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano katirasan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, taliyaha qeybta Booliiska guud ee Galmudug, Duqa Dhuusamareeb iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlay Askarta ayaa sheegay in xilli loo baahna ay ku soo aadeen, isaga oo kula dardaarmay in ay ku shaqeeyaan Aqoontii la baray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post