567 Views

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay Shirka Dhusamareb uu ku Baaqay Farmaajo

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay Shirka Dhusamareb uu ku Baaqay Farmaajo
____________________________________________________________________________

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban ka soo saaray kulankii shalay madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha ugu sareeya beesha caalamka.

Qoraalkan ayaa lagu soo dhaweeyey kulanka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray kulanka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post