1413 Views

Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ku baaqday in Guddigooda laga soo raro xarunta ay haatan ku shaqeeyaan oo ku dhex taala madaxtooyada Soomaaliya,kaddib caqabado soo wajahay Guddigooda.

 

Waxa ay dalabkeeda saldhig uga dhigtay in aan lagu soo booqan karin xafiiskooda oo ay ku adag tahay dadka ay wada shaqeynta kala dhexeyo sidii ay u gaari lahaayeen xaruntan, iyadoo tilmaamtay in arrintaasi ka mid tahay caqabadaha ku horgudban howsha Guddiga.

 

“Horta Caqabada noogu weyn waxaa waaye xarun aan ku shaqeysano ma heysano, waa caqabada noogu weyn runtii oo maanta na heysato oo dhibaato ku ah sidii annaga iyo Xisbiyadii iyo bulshadii inteeda kale aan isku arki leheyn meel nabad ah oo aan sahlaneyn gaaristeeda ayaan deganahay” ayey tiri Gudoomiyaha.

 

Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa meesha ka saartay in dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin iney iclaamiyaan xilliga rasmi ahaan ay dalka ka dhaceyso doorashooyinka, iyadoo tilmaamtay howshaas iney qeyb ka tahay shaqada Guddigooda.

 

“Xukuumad ama Baarlamaan, Xukuumad ha noqoto federal ah ama mid dowlad goboleed ha noqotee, wax shaqo ah ay u leeyihiin malaha sharci ay u heystaanna ma leh iney cadeeyaan doorashada goortee dhaceyso iyo sidey u dhaceyso, sidey u dheceyso nidaamkeeda sharciga doorashadaa soo caddeynaa baarlamaankaana soo ansixinaayo, waqtiga ay dhaceyso oo la iclaaminaayana Guddiga doorashada oo kaliya ayaa awood u leh inuu caddeeyo xiligeeda” ayey hadlakeeda sii raacisay.

 

Hoggaanka qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa hore shaki uga muujiyay shaqada laga filan Karin Guddigan, maadaama ay dhex degan yihiin Villa Soomaaliya oo madaxdeeda mar kale daneynayaan iney u tartamaan doorashada dhaceysa sanadka 2020/21.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment