1029 Views

SAWIRO:-Shir looga hadlayo xasilinta Sh/Hoose oo Muqdisho ka furmay

SAWIRO:-Shir looga hadlayo xasilinta Sh/Hoose oo Muqdisho ka furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ayaa qeyb ka Aheyd shirka Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka Furmay Magalaada Muqdisho,

 

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana aad loogu eegaya arimaha Degmada Awdheegle Sabiib iyo Caanoole,

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sheikh Abdulaahi Adaf ayaa aad ugu hadlay Arimaha xasilinta gobolka shabeelaha hoose Degmooyinka iyo deegaanada dhawaan Lagala Wareegay Al-Shabaab.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,Xildhibanao ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed.

 

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa la filayaa in looga hadlo sidii loo xasilin lahaa Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,sidoo kalena qorshooyin cad loo keeni lahaa deegaannadii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment