1323 Views

Ciidanka Danab oo ka qabsaday degaano cusub Al-Shabaab

Ciidanka Danab oo ka qabsaday degaano cusub Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab,ayaa saakay deegaano cusub kala Wareegay Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka sameeyeen degaano Hoos yimaada Magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weerarada ka dhanka ah Ciidanka dowladda ee ku sugan Marko.

Howlgalka ayay sheegeen in ay sii socon doonaan tan iyo inta laga saarayo Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment