960 Views

Weeraryahankii hore ee kooxda oo lagu ganaaxey US $30,000, iyadoo ay taasi ka danbeysay Eey uu lahaa oo lasoo helay.

Weeraryahankii hore ee kooxda oo lagu ganaaxey US $30,000, iyadoo ay taasi ka danbeysay Eey uu lahaa oo lasoo helay.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool, ee Daniel Sturridge, ayaa lagu ganaaxey US $30,000, iyadoo ay taasi ka danbeysay Eey uu lahaa oo lasoo helay.

Eeygan oo lagu magacaabo Lucci, ayaa la waayey labo sano kahor. Daniel ayaa u balan qaadey ruuxii keenaa eygiisa, inuu siin doono abaal marin gaareysa US $30,000.

Daniel ayaa haatan u ciyaara koox ka dhisan dalka Australia, iyadoo laga xadey eeygiisa guri uu ku leeyahay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.

Foster Washington, oo ah heesaa caana, ayaa soo helay eeygii la la’aa, isagoo dib ugu celiyey Daniel, ha yeeshee balan qaadkii ma aanu fulinin Daniel.

Foster Washington, ayaa dacwad u gudbiyey maxkamad, iyadoo lagu ganaaxey Daniel inuu bixiyo lacagtii uu kal hore u balan qaadey ruuxii keenaa eygiisa maqan.

Sida laga soo xigtay Maxkamadda, Daniel ayaanan kasoo hormuuqan maxkamadda, markii la gaarayey go’aanka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post