408 Views

Madaxweyne Deni oo Guddiga doorashada kala hadlay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah

Madaxweyne Deni oo Guddiga doorashada kala hadlay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlay

sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post