858 Views

SAWIRO:-Dawladda Somalia ayaa bilaabeysa olole hawada looga buufinayo Ayaxa

SAWIRO:-Dawladda Somalia ayaa bilaabeysa olole hawada looga buufinayo Ayaxa
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 14  2020–Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta kala wareegtay Hey’adda FAO iyo USAID laba diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters.

Diyaaradahaan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu buufiyo Ayax bilihii la soo dhaafay dhibaato ku hayay dadka iyo Beeraha ku yaalla Dowlad Goboleedyada dalka kajira,waxaana ku deeqay dowladda Canada.

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ay waxaa goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dowladda loogu wareejiyay diyaaradahaas.

Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Diyaaradahaan ay howlaha buufinta Ayaxa ka bilaabi doonaan deegaano kamid ah dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland sidoo kalena dhamaan Maamul goboleedyada la buufin doono.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Hay’adaha FAO iyo USAID uga mahad celiyay diyaaradahaan ay soo gaarsiiyeen oo waxka tari doona dagaalka lagula jiro Ayaxa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment