2517 Views

MD Farmaajo oo taageero dhaqaale ka dalbaday Ururka Jaamacadda Carabta

MD Farmaajo oo taageero dhaqaale ka dalbaday Ururka Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021-Ilo-wareed ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu mar kale Dhambaal u soo diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday Taageero Dhaqaale ee xilligan xasaasiga u ah Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo.

Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowladaha  xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta u fidiyaan DFS, Hay’adaha hoos-taga iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post