732 Views

Madaxweyne Deni oo safar ku tegaya magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne  Deni oo  safar ku tegaya magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 22, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo  safar ku tegaya magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa halkaas tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo in mudda ah tababar uga socday Xerada Xorgoble.

Guddiga dib u-habaynta ciidamada Puntland oo ay hoggaaminayaan wasiirada Maaliyadda iyo Amniga ayaa madaxweynaha uga sii horreeyay magaalada Qardhi si ay u diyaariyaan munaasabadda.

Xukuumadda Puntland ayaa sannadihii u dambeeyay dib u habayn iyo tababarro ku waday ciidamada kala duwan gaar ahaanna Booliiska iyo Daraawiishta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post