804 Views

Xildhibaano ku dhaawacmay Qarax xalay lagula eegtay magaalada Jowhar

Xildhibaano ku dhaawacmay Qarax xalay lagula eegtay magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 6, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax  khasaare  ka dhashay oo xalay saq-dhexe ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Qarax, uu ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, xilli ay kasoo laabteen munaasabad lagu xusayey aas-aaska maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay xildhibaanada kala ah Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Xildhibaan Cumar Soomane oo ka tirsan golaha wakiilada HirShabelle ayaa  sheegay in Xildhibanada dhaawacooda uu aad u wanaagsan yahay waxa uuna alle uga baryay caafimaad.

Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa saaka sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post