936 Views

Somaliland oo shaacisay tirada dadka ku dhintay shilalkii dhacay Sanadkii 2019

Somaliland oo shaacisay tirada dadka ku dhintay shilalkii dhacay Sanadkii 2019
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay iyo hantida ku khasaartay shilalkii ka dhacay sanadkii tegay ee 2019 degaannada Soomaaliland.

Waxaan Sodaasi Sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in shilalka ay ku dhinteen 200 oo qofo5000 oo qofna way ku dhaawacmeen,hanti ku dhaw laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.

Isaga oo hadal ka jeedinayay Wasiirka munaasad lagu furayay xarumaha baarista badqabka gaadiidka ee lagu qabtay magaalada Hargeysa ayuu sheegay in Soomaaliland ay muujin doonto siyaabo looga hortagayo shilalka kusii kordhaya degaannadeeda.

Shilalka ugu badan oo ay Warbaahinta daabacday sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa ay ka dhaceen wadada xiriirisa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaana ku dhintay dad ay mas’uuliyiin ku jiraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post