1224 Views

Dowlada Kenya oo joojisay galleydii uga imaan jirtay dalalka deriska kadib markii Kansar laga sheegay

Dowlada Kenya oo  joojisay galleydii uga imaan jirtay dalalka deriska kadib markii Kansar laga sheegay
____________________________________________________________________________

Kenya ayaa mamnuucday galleydii looga soo dhoofin jiray dalalka Uganda io Tanzania kadib walaac ka dhashay dhanka badqabka isticmaalka galleydaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalalkaas.

Warbaahinta oo soo xiganayay warqad kasoo baxday waaxda cuntooyinka ee Kenya ayaa lagu sheegay in galleyda laga soo dhoofsado Tanzania iyo Kenya laga helay maaddo la yiraahdo mycotoxins oo sababta cudurka Kansarka.

“Sanadihii lasoo dhaafay cudurro joogto ah oo lala xiriiriyay inay ka dhasheen maaddada aflatoxins ayaa laga diiwaangeliyay Kenya gaar ahaan dhimasho” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday waaxda cuntada ee Kenya.

Waxaa xadka Kenya iyo Tanzania ku xayirmay gawaari xamuul ah oo siday galleyda, sida ay ku warrantay warbaahin kasoo baxda Tanzania.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post