2469 Views

Abiy Ahmed oo Faahfaahiyay Qarixii ka dhacay Addis Ababa

Abiy Ahmed oo Faahfaahiyay Qarixii ka dhacay Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho , 23 Juunyo, 2018:–Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo goor dhow la hadlay Tv-ga Qaranka dowladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax lala beegsaday goob uu ka Khudbaynaayay oo ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Waxaa uu sheegay in tiro dad ah oo Shacab ah ay kasoo gaareen dhaawacyo,islamarkaana uu nabad qabo.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale qiray in ay jiraan dad ku dhintay Qaraxaasi.

Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu waxyeeleeyo dadka Shacabka ee Banaabaxa taageerada ah sameynaayay,islamarkaana laga hortaggay.

Abiy Axmed ayaa xusay in ciidamada Booliska ay waddaan baaritaano ayna saacaddaha soo socda la wadaagi doonaan Shacabka cidii ka dambeysay Qaraxii maanta ka dhacay goobta uu ka Khudbadbaynaayay.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo xaadiray Kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya,kuwaasoo taageerayay Isbadelka dhaqaallaha ee dhawaan uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.

 

v3 v4 v5 v6 v7

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment