1314 Views

DEG DEG:-Bambaanooyin Caawa Lagu Weeraray Hoyga Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka K/Galbeed

DEG DEG:-Bambaanooyin Caawa Lagu Weeraray Hoyga Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Wararka Caawa naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa bambaanooyin lagu weeraray Hoyga uu Magalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,marna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,hayeeshee uu markii dambe is casilay.

Rag la sheegay inay wateen gaari ayaa Hoyga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan bambaanooyin ku weeraray,waxaana lagu soo waramayaa in bambaanooyinkaas ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka uu yahay iyo qof wadada marayay.

Xilliga Guriga bambaanooyinka lagu weerarayay ayaa la sheegay in xildhibaanka uu gudaha ku jiray,isla markaana wax khasaaraha ah uusan ka soo gaarin marka laga reebo dhaawaca mid ka mid ah ilaalada iyo Nin Oday ah oo wadada marayay

Dadkii bambada ku tuuray Guriga Xildhibaanka ayaa goobta ka baxsaday,waxaa sidoo kale Xildhibaaa  xusid mudan in Xildhibaanka Caawa Gurigiisa bambada lagu weeraray u dhaxda Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment