939 Views

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay xildhibaanada labada aqal ee gobolada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  oo la kulmay xildhibaanada labada aqal ee gobolada waqooyi.
____________________________________________________________________________


khamiis: February 24, 2022

  Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaannada Labada Aqal ee dhawaan la doortay, kuwaa oo Gobolada Waqooyi (Somaliland) ku matali doona Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha labada aqal ugu baaqay in ay sameystaan kutlad ay ku mideesan yihiin maadaama lagu tashado, isla markaana ciddii ay dhankooda jiraan ku guuleysaneyso awooda dalka.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka, Isagoo halka ay kulanka ku lahaayeen ku guddoon siiyay shahaadooyin xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ujeedka Shahaadooyinkaasi la guddoon siiyay Xubnahaas uu yahay inay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada kale ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si uusan u dhicin dib dhac ku yimaada jadwalka doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post