519 Views

Heshiis caalami ah oo badaha lagu ilaalinayo oo mar kale lagu guuldareystay

Heshiis caalami ah oo badaha lagu ilaalinayo oo mar kale lagu guuldareystay
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022

Waxaa markii shanaad guuldareystay dedaal lagu doonayay in lagu hor mariyo heshiis caalami ah oo lagu ilaalinayo badaha. Wadahadalada la doonayay in lagu meermariyo heshiiska dhinaca badaha ee QM ayaa muddo laba todobaad ah ka socday magaalada New Yolk, balse dowladaha ayaa ku heshiin waayay shuruudaha.

Inkastoo biyaha caalamka ay matalaan ku dhowaad sadex meelood laba badaha caalamka, keliya 1.2% ayaa la dhowraa. dadka u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tahay fursad aan laga faa’iideysan.

Heshiiskii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay ee dhowridda badweynta ayaa la saxiixay 40 sano kahor sanadkii1982 – waxaana lagu magacaabaa Cahdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda.

Heshiiskaas wuxuu ku qotomay in dhammaanba dalalku ay xaq u leeyihiin inay ka kalluumeystaan biyaha caalamka, ay maraakiibtu ku xirtaan isla markaana ay baaritaan ka sameeyaan.

Inta ka soo hartay 1.2% biyaha caalamka ee la dhowro, waxay ku sugan yihiin khatar uga imaaneysa isbedelka cimilada, kalluumeysi xad dhaaf ah iyo socdaallo sharci darro ah.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay 168-da dal ee xubnaha ka ah cahdigan, oo ay ku jirto Midowga Yurub ayaa isku yimid iyagoo isku dayaya inay sameeyaan heshiis cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post