2217 Views

Ciidanka ammaanka oo hawlgal ku soo qabtay mootooyinka Bajaaj-ta

Ciidanka  ammaanka oo hawlgal ku soo qabtay mootooyinka Bajaaj-ta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 – Ku dhawaad Lixdan Bajaaj ayaa xalay waxaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib marki lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka qaranka.

Mootooyinka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwo Taargo la’aan ah, laguna tuhmayay in ay qeyb ka yihiin falalka ka baxsan ammaanka ee maalmahan dambe ka dhacayay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa kormeer ugu tagay halka lagu soo bandhigay Mootooyinka, wuxuuna arrintan ka wareystay maamulka degmada Hodan.

Wuxuu sheegay Maxamed Tuulax in Hay’adaha ammaanka oo kaashanaya maamulada degmooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ka hortaga wax kasta oo lidi ku ah amniga magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku suganahay saldhigga degmada Hodan oo lagu soo qabtay gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajka, kuwa badan oo Taargo la’aan ah, waxaa dhacday Mooto Bajaaj aqoonsi la’aan ah in caawa dad lagu rasaaseeyay, dhalinyarada waxaan fareynaa in ay raadsadaan aqoonsiyadooda, ma aqbali doono in sharci la’aan lagu shaqeysto.” Ayuu yiri Tuulax.

Mootooyinka Bajaajta ayaa u muuqda inay qalqal ku yihiin ammaanka, maadaama dhawr mar ay horey u dhacday in dad lagu dilo, dhac lagu geysto, kuwaasi oo intooda badan aanan laheyn aqoonsi sax ah.

mooto-bajaaj-2 mooto-bajaaj-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment