621 Views

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 28, 2022

Waxaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana loo ballansan yahay in la doorto ku xigeenada koowaad iyo labaad kadib markii xalay la doortay gudoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadan xil ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo taagay illaa 10 musharrax, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo sharraxeen illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay,” ayuu yiri gudoomiyihii Ku meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post