2061 Views

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Kenya Oo Laga Xaday Dhowr Sanduuq Oo Ukun Ah

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Kenya Oo Laga Xaday Dhowr Sanduuq Oo Ukun Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 30, 2019 —Afar qof ayaa loo soo qabtay Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen  Beer lagu xannaaeyo Digaaga oo uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto.

Saraakiisha Boliska ee Degmadda eldoret ayaa sheegay in Eedeysanayaasha la soo qabtay, kadib, markii ay 10 Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen Hoyga William Ruto ku leeyahay Degaanka Sugooy.

Afarta Eedeysane waxaa lagu soo qabtay Sanaadiiq maran oo la rumeysan yahay inay ahaayeen kuwii laga soo xaday Hoyga William Ruto.

Taliyaha Boliska Galbeedka Eldoret,Zakariyah Bitook ayaa sheegay inay Baarayaasha ku hawlan yihiin Kiiskaasi, kadib, markii uu Gal-dacwadeed furay Maareeyaha Beerta ku taalla Hoyga Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray afarta qof oo wax ka degan gurigaasi ay beeniyey inay ku lug leeyihiin xatooyadaasi.

Baaritaanka Boliska waxay sheegeen in sanaadiiqa ukunta laga xaday oo maran ay ka heleen Eedeysanayaasha la soo qabtay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya ayaa la sheegay inuu gurigiisa ka maqnaa markii laga xaday 10-ka sanduuq oo ay ukun ka buuxaan.

Mashruuca Beerta Digaaga ee uu leeyahay William Rutto waxaa ukunteeda loo iib geeyaa  magaalladda Nairobi iyo  North Rift.

Si kastaba ha ahaatee. William Ruto oo magaciisa dhamaystiran yahay William Kipchirchir Arap Ruto waxa uu Xilka Madaxweyne-ku-xigeenka hayey tan iyo sannadkii 2013-kii.

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment