411 Views

R/wasaare Rooble oo ku wajahan Imaaraadka Carabta

R/wasaare Rooble oo ku wajahan Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta si uu halkaas ugu qeyb galo aaska Madaxweynaha dalkaas Sheekh Khalifa oo dhawaan u geeriyooday xanuun.

Kadib aaska Marxuumka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadli doona sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Dhawaan ayey ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markii uu soo celiyay xiriirkii Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta, kadib sanado uu xumaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post