462 Views

DEG DEG: Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

DEG DEG: Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 20, 2021

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Qof naftiisa haligay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay. Qaraxu waxa uu ka dhacay meel u dhaw Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne.

Sidoo kale qarax labaad ayaa hadda ka dhacay aaggaas, waxaana hawada ka baxday korontadii magaalada. Jawiga ayaa mar qura is bedelay, waxaana magaalada ka socotay doorashada kursiga HOP#011.

Maanta ilaa caawa Beledweyne waxaa ka socota doorasho adag oo ka duwan kuwii hore, waxaana gabal-dhicii magaaladaas lagu doortay Cabdirisaaq Cabdullahi oo ku guuleystay kursiga HOP063 oo horay Cabdullahi Goodax Barre uu ugu fadhiyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post