1992 Views

Daawo Sawirada :-Shir Muhiim ah Oo Ay Soo qaban Qaabisay Wasaarad Amniga Oo Muqdisho Ka Dhacay

Daawo Sawirada :-Shir Muhiim ah Oo Ay Soo qaban Qaabisay Wasaarad Amniga Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 03, 2018 Shirkan oo saacada badan qaatay ayay wasiiradda Amniga ee dowlad goboleedyada iyo wasaaradda amniga ee dowladda federaalka waxa ay dood dheer uga yeesheen dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka.

Shirka waxa guddoominiayay wasiir ku xigeenka amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Saciid waxaana ka qeyb galay wasiirada amniga dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hisrahbeelle, Koofur galbeed iyo jubbaland waxa kale oo joogay xubin matalaysay gobolka Benaadir iyo saraakiil qubaro ku ah amniga xeebaha.

Dood dheer kadib waxa ay wasiirada amniga isku raaceen hashiis is afgarad ah oo lagu dhisayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka waxaa war murtiyeedka warbaahinta u aqriyay Wasiir ku xigeenka amniga dowladda Federaalka Mudane cabdinaasir Saciid.

” dood dheer kadib waxaan isku raacnay 1 Dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo ka kooban heer  federaal  iyo heer dowlad goboleed oo ah booliis 2 waxaan isla garanay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dajinta siyaasadda, qorshaha dhismaha ciidanka iyo hormaruntooda  3 waxan isla garanay in loo baahan yahay quburo la taliyayaal dhinaca badda 4 masaafada iyo baaxadda ay ka howlgalayaan ciidanka labada heer ah waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Qaranka” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga

 

Wasiirka Amniga  dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa sheegay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha inuu ku yimid wadatashi iyo wadajir.

Wasiiro dowlaha amniga Gudaha Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Amniga Mudane Maxamuud Maxamed Bono  waxa uu tilmaamay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha uu muujinayo baseel, mudan yahayna in lagu daydo.

Dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha dalka ayaa muhiim u ah la dagaalanka kaluumaysiga sharci darada, sunta lagu soo daadiyo xeebaha dalka  iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan kaaluumaysatada Soomaaliyeed.

 

1 2 3 4

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment