1263 Views

Madaxweyne Macron oo Raysal wasaraha Australia ku eedeeyey y in uu ‘beenaale’ yahay

Madaxweyne  Macron oo Raysal wasaraha Australia   ku eedeeyey y in uu ‘beenaale’ yahay
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malaynayo in Mr Morrison uu run sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Uma malaynayo, waan ogahay.”

Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay baabi’isay heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa, taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK – gaar ahaan waxa loogu yeedho Aukus.

Mr Morrison waxa uu dafiray in aanu daacad ahayn.

Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu khilaafku soo shaac baxay bishii September.

Dhinaca isu imaatinka Rome, ayaa madaxweyne Macron waxa uu weriye Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in kale.”Waan arki doonaa waxa uuu la yimaaddo,” ayuu ku jawaabay Mr Macron.

“Dalkiina aad baan u ixtiraamayaa, dadkiina waxaan u hayaa ixtiraam iyo saaxiibtinnimo badan, waxaan leeyahay marka aynu ixtiraamno waa inaad run noqotaan oo aad u dhaqantaan sinnaan iyo si joogto ah uga turjumaysa qiyamkeenna.”

Heshiiskaas la joojiyay ayaa horseeday khilaaf ba’an oo u dhexeeya Faransiiska, Australia iyo Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa dhaleeceeyay go’aanka isagoo ku tilmaamay “mid dhabarka laga toogtay”, waxayna Paris si ku meel gaadh ah ugu yeedhay danjirayaasheedii u joogay Australia iyo Mareykanka.

Isagoo hadlayay ka dib hadalka Mr Macron, Scott Morrison ayaa u sheegay suxufiyiinta inuusan been u sheegin madaxweynaha, waxaana uu horay ugu sharraxay in maraakiibta quusta ee caadiga ah aysan dabooli doonin baahida difaaca Australia.

Wuxuu intaas ku daray in dib u dhiska kalsoonida iyo xiriirka labada dal uu mar hore billowday.

Jimcihii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale kulan fool ka fool ah la yeeshay Mr Macron tan iyo markii la isku raacay heshiiskii Aukus.

Intii lagu guda jiray iswaydaarsiga u muuqday mid qallafsan, Mr Biden waxa uu qirtay in Maraykanku uu “ku wareeray” wada xaajoodka. Mr Macron waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in “la eego mustaqbalka”.

Hogaamiyayaasha ayaa heli doona waqti dheeraad ah oo ay ku hagaajiyaan xidhiidhkooda, maadaama ay seddexdooduba hadda ku wajahan yihiin magaalada Scotland ee Glasgow si ay uga qaybgalaan shir madaxeedka COP26 ee isbedelka cimilada.

Heshiiska Aukus wuxuu u ogolaanayaa Australia inay dhisto maraakiibta quusa ee ku shaqeeya nukliyeerka markii ugu horreysay, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyadda uu bixiyo Mareykanka. Waxay sidoo kale dabooli doontaa AI iyo teknoolojiyadda kale, waana mid ka mid ah iskaashiga difaaca ee ugu weyn Australia ee ay gasho muddo tobanaan sano ah.

Heshiisku wuxuu burburiyay heshiis ay Australia u saxeexday 2016 Faransiisku si uu u dhiso 12 badmareen oo caadi ah.

Waxaa loo arkaa in ay tahay dedaal lagu doonayo in looga hortago awoodda millatari ee Shiinaha oo sii kordheysa. Shiinaha ayaa dhaleeceeyay heshiiska oo ay ku tilmaameen “Mas’uuliyad darro aad u weyn”.

BBC

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post