969 Views

SAWIRO:-Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

SAWIRO:-Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saakay waxaa ay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigeen laba dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay Ciidamada isku-soo dhiibeen.

 

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in labada Nin oo lagu kala Magacaabo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaanay (Iidle) iyo Geedi Maxamed Cali ay xiriir la soo sameeyeen saraakiisha Ciidamada,isla markaana la soo dhaweeyay.

 

 

 

Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo ka mid ahaa ragga la soo bandhigay ayaa waxaa uu watay Qori nooca AK47, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu kala soo goostay Al-Shabaab.

 

Laamaha Amniga degmada Afmadow ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen inay soo dhaweynayaan cid kasta oo kasoo baxeysa Al-Shabaab, isla markaana xilligaan ay kuwo kale wadahadallo kula jiraan sida ay hadalka u dhigeen.

 

Warkaan kasoo baxay Haya’daha Amniga Jubbaland ee ku aadan inay isa-soo dhiibeen laba dagaalame oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaana ilaa iyo hadda dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment