1086 Views

Dhoolatus u bilowday Milliteriga Masar iyo Imaaraadka

Dhoolatus u bilowday Milliteriga Masar iyo Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Ciiddamo ka kala socda kuwa Khaaska ee dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta  ayaa waxaa u furmay Dhoolatus loogu magac daray Zayed 3.

Carbiskaasi oo ka dhacaya gudaha Imaaraadka waxa uu socon doonaa muddo 2 isbuuc ah, sida lagu soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Masar, Kolonel Tamer El-Refaaci.

Dhoolatuskaasi waxay Ciiddamadda Dhulka, Badda iyo Cirka ee labada Ciiddan isku-weydaarsan doonaan Khibradaha Milliteri iyo sidii ay si wadajir ah uga qeyb geli lahaayeen Hawlgallada Wadajirka.

Tababarkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay Masar wajahayso Caqabadaha Mandiqada, isla markaana ay Ciiddanka Masar xoojinayaan Iskaashiga iyo Khibrad-wadaagista ee dalalka Walaalaha iyo kuwa Saxiibada la ah Masaarida.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post