894 Views

Muhammadu Buhari oo sheegay in dalkiisa ay soo food saareen caqabado

Muhammadu Buhari oo  sheegay in dalkiisa ay soo food saareen caqabado
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in dalkiisa ay soo food saareen caqabado dhowr ah oo tijaabo ah oo burburin lahaa waddamo kale.

Madaxweynaha oo 20 daqiiqo khudbad ka jeedinaayey telefishinka dalka iyadoo la xusayay maalinta Dimuqraadiyadda dalka, madaxweynaha ayaa sheegay in dalku sidoo kale ka gudbay dhibaatooyinka qaar gaar ahaan kuwa amniga la xiriira.

Buhari kama uusan hadlin xayiraada twitter-ka, taasi oo dhalisay cambaareyn ballaaran.

Waa markii seddexaad ee hal toddobaad gudihii Buhari lahadlo dadka reer Nigeria.

Madaxweynaha ayaa yiri, Maalinta Dimuqraadiyadda “waa xus loo sameynayo xorriyadda, iyo guul u soo hoyatay Nigeria.”

Wuxuu qirey ballanqaadkiisii ​​ahaa inuu soo afjarayo amni darrida sii kordheysa, gaar ahaan kacdoonka ka socda Woqooyi Bari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post