1032 Views

Jubaland oo ka hadashay weerar ay Shabaab ku qaadeen Xerada Milatari ee Dhoobley

Jubaland oo ka hadashay weerar ay Shabaab ku qaadeen  Xerada Milatari ee Dhoobley
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

  

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhig ay ciidan ka tirsan maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa BBC-da u xaqiijiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarka, wuxuuna sheegay in laga dilay hal askari isla markaana uu gubtay baabur ay lahaayeen ciidanka Jubaland.

Al-shabaab, war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayaa waxay ku sheegeen inay dileen askar badan isla markaana ay qabsadeen saanado hub ah, inkasta oo Jubaland beenisay sheegashadaasi Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post