1167 Views

Guddigii ay Dowladda magacaawday oo Maanta tagaya Baladweyne

Guddigii ay Dowladda magacaawday oo Maanta tagaya Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay waxaa uu guddi baaritaano sameeya u saaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr e lagu dilay taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan,waxaana Maanta ay tegayaan Magaalada Baladweyne.

 

Guddiga oo uu guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa qeyb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamada Cidiamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa ay guddigaas baaritaan dhab ah la filayaa inay kusoo sameeyaan sababtii ka dambeysay dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan Col, Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay dagaalkii deegaanka Kalabeyr.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha guddigaas ayaa shalay isaga oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho  sheegay in guddigooda uu si wanaagsan baaritaano ugu sameyn doono wixii ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee lagu dilay Taliye Macow.

 

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Baladweyne ayaa soo dhaweeyay guddigaas,waxaana uu sheegay in guddi kale oo la Shaqeeya uu Magacaabi doono si baaritaan ay u wada sameeyaan.

 

Xiisadii ka dhalatay xilka qaadistiui Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa weli ka taagan Baladweyne, iyada oo shalay banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle uu ka dhacay Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment