417 Views

Mushrixii labaad ee Golaha Shacabka oo Markale ka Mid noqday Dadki Ku Dhintay Qarixii Baladwayne

Mushrixii labaad ee Golaha Shacabka oo Markale ka Mid noqday Dadki Ku Dhintay Qarixii Baladwayne
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Dayib Qanyare Ibraahim ayaa noqday musharaxii 2aad ee u taagnaa Golaha Shacabka ee ku geeriyooda qaraxii shalay  ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Dayib Qanyare Ibraahim oo u sharaxnaa kursiga #HOP274 ayaa ka mid ahaa dadkii ku sugnaa maqaaxida Xasan Dhiif, xilligii weerarka ismiidaaminta uu ka dhacayay.

Geeridiisa ayaa waxaa la soo wariyay maalin ka dib, markii uu Beledweyne ka sheegay in dad gaar ahi loo xiray kursiga uu u tartamayo, isagoona Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ugu baaqay inuu wax ka qabto boobka lagu hayo kursigaasi amaba dib loo dhigo doorashadiisa, illaa iyo inta wax laga qabanayo, waxa ay ka cabanayaan.

Kursigan ayaa ka mid ah illaa 6 kursi oo berrito lagu wado in lagu doorto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd, markii uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursiga #HOP274.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa goor dambe sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta ka dhacday Beledweyne, oo dad isugu jira masuuliyiin iyo rayidba ay ku geeriyoodeen.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post