1056 Views

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo Xildhibaan loogu doortay Ceelwaaq

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo Xildhibaan loogu doortay Ceelwaaq
____________________________________________________________________________

Sabti: April 23, 2022

Waxaa goordhow degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka bilaabatay doorashada shan kursi oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga maamulka doorashada ayaa maanta guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo musharixiinta ku tartamaya kuraasta kala ah Hop125, Hop131, Hop123, Hop122 & HOP110, balse waxaa la doortay labo ka mid ah.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashadiisa lagu qabtay degmada Ceelwaaq oo ahaa Kursiga HOP#122, waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah: Mursal Maxamed Khaliif Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Maamulka Jubbaland & musharax Cumar Muxumed Buulle, balse waxaa ku guuleystay kursigaaa doorashadiisa Mursal Maxamed Khaliif.

Sidoo kale, waxaa kursiga #HOP110 isna kusoo baxay Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed, waxaana uu kula tartamayay kursigaas Musharax Khadar Axmed Adan, sida ay ku dhawaaqeyn Guddiga doorashada Jubbaland natiijada kursigaas.

Hoolka ay ka socoto doorashada kuraasta shanta ah ee degmada Ceelwaaq waxaa ku sugan oo goob-joogayaal ka ah Madaxweyne k-uxigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow degmadaas gaaray, Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman Dhuumaal,Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Ganaraal Cabaas Ibraahim Gurey iyo xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka ee heer Federaal.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post