3345 Views

“Dowladdu si qaldan ayay u maareyneysaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

“Dowladdu si qaldan ayay u maareyneysaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,27 March 2016: Maxamuud Axmed Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa ka hadlay is mari waaga ka taagan maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka inay dooneyso in jajuubto rabitaanka iyo talada shacabka.

Tarsan ayaa sheegay in dowladda ay si qaldan u maareyneyso howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isla markaana meesha ka saartay taladii iyo wax ku yeelashadii shacabka sida uu yiri.

“Aniga waxaa aaminsanahay in dowladdu si qaldan u maareyneyso maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaa u maleysaa inay ka saartay taladii iyo wax ku yeelashadii shacabka, rabitaankii shacabka waa ka xoog badisay, taas waxay keeneysaa dhibaato, jajuubkan iyo gacan maroojiska ay wadana wax ugama hagaagayo”ayuu yiri Tarsan.

Mr Tarsan ayaa sheegay in aanay u muuqan sabab lagu diido in la qabo shir dib u heshiisiin in la qabto, dowladduna ay siiso muddo ugu badnaan 3 ama 1 bil iyo bar, si qabaa’ilka degan ay u heshiiyaan.

“Reer Hiiraan waxay dalbanayaan waa wax macquul ah, waxay leeyihiin dadkan waa dagaalsan yihiin, aan heshiisiino, waqti aan ku heshiisiino ha nala siiyo, dowladdu hadii saddex bilood ku dheer tahay bil bar ha dhahdo, waxaa aaminsanahay in dowladda ay tanaasushaa, dadkaas waxay dalbanayaan waxna looga tanaasulo, waxna ayagana ka tanaasulaan”ayuu yiri Tarsan.

Waxaa uu sheegay in isaga ay ula muuqato in dowladda ay deg degsan tahay, waxay ay u deg degeyso uusan garaneyn, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dhageysto talada ugaasyada, salaadiinta iyo malaaqyada, waxaana uu xusay in waxa ka socda Beledweyn ay tahay maareyn qaldan iyo gacan maroojiso ku jiro damac waalan sida uu yiri.

Mar la weydiiyay safarada Madaxda dowladda iyo Wasiirada marar badan ku tageen Beledweyn ayuu ku tilmaamay mid la iska dhalinayo gool siyaasadeed.

“Runta la rabaa in laga hadlo, safarada Madaxda daacad kama ahan waa dad gool iska dhalinaya, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu rabay inuu gool ka dhaliyo Madaxweynaha oo beeshiisa Hawiye oo wax ka qaban waayay baa Raysal wasaaraha wax ka soo qabtay, awalna Wasiiradii la rabay in Ra’iisul Wasaaraha uu hogaamiyo ha aadin baa la yiri, markii Ra’iisul Wasaaraha kaligiis tagay oo aan waxba u soo hagaagin, mar kale Madaxweynaha ayaa ka daba tagay, waxaa moodaa inuu meesha tagay iyadoo aanu fikiri wadin, meeshii uu Odawaa wax ka bilaabay ay taagan yihiin, marka waa dad siyaasiyiin ah oo gool iska dhalinaya”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii labaad ku hoyanaya magaalada Beledweyn ayaa waxa uu kulamo la leeyahay odayaasha Gobolka Hiiraan, iyadoo kulamadii uu la qaatay aanu wax natiijo ah ka soo bixin, haddana arrinta inti hore waa ay ka fogtahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment