501 Views

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daah furay shirka isku xirka Mashaariicda Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daah furay shirka isku xirka Mashaariicda Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaanada Galmudug, oo ay magaaladda Dhuusamareeb muddo sadax cisho ah kaga qeyb gali doonaann dhammaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, iyo qaar kamid ah wasiirada Galmudug iyo maamulka Dhuusamareeb

Kulankan oo ka duwan kulamadii hore sida loo qaban jiray ayaa la filayaa In dib u eegis loogu sameeyo Mashaariicda Caafimadka Galmudug iyo ka jawaabidda Saameynta Abaaraha ee dhanka Caafimaadka. Si loogu  daro qorshaha seddaxda bilood ee nagu soo aadan wax ka qabashada saameyta jirta ee abaarta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa xusey in u jeedada shirkani tahay wada diyaarinta qorshe wax looga qabanayo arrimaha Caafimaadka ee saameynta abaaraha jira.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu dambeyn la hadley hey’addaha Shirkan lagu Casuumey oo kor u dhaafayay 20-hey’addood.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post