1077 Views

Burcadda Nigeria oo sii daysay toban arday oo laga afduubtay gobolka Kaduna

Burcadda Nigeria oo sii daysay toban arday oo laga afduubtay gobolka Kaduna
____________________________________________________________________________


Axad: September 19, 2021

Burcadda Nigeria ayaa sii daysay toban arday oo laga afduubtay iskuul ku yaalla waqooyi -galbeed ee gobolka Kaduna.

Waa kooxdii saddexaad oo arday ah oo ay sii daayaan afduubayaasha.

Kow iyo labaatan arday ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku jiraan gacanta burcadda.

Tan iyo bishii Diseembar, in ka badan 600 oo arday ayaa laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria, taas oo abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan dhibaatada afduubka ee dalkaas ka jirta.

Waxaa la hirgeliyay mashruuc lagu badbaadinayo ardayda kaddib markii la afduubkii lagula kacay gabdhihii Chibok si loo xoojiyo amniga iskuulada ku yaal waqooyi bari Nigeria ayaa iskuulada gobolka oo dhan waxaa loo dhisay darbiyo dhaadheer.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post