966 Views

SAWIRO:-RW Rooble oo gaaray Jowhar kormeerna bilaabay

SAWIRO:-RW Rooble oo gaaray Jowhar kormeerna bilaabay
____________________________________________________________________________

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble  ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada Jowhar ku tageen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter ah oo ku degtay Saldhig AMISOM ku leeyihiin bariga magaalada Jowhar, kadib markii Garoonka diyaaradaha uu saameyn ku yeeshay fatahaada Wabiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormer ku tagay goobihii uu ku fatahay Wabiga Shabelle ee sababay in magaalada go’doon gasho, waxaana la sheegay inay la socdaan Xubno ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu la kulmo Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle iyo labada Gole, isaga oo kala hadli doono sida loogu gurman karo dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post