1128 Views

Milateriga Indonesia oo shaaciyay in uu degay markab Gujis ah oo la lala’aa tan iyo Arbacadii.

Milateriga Indonesia oo  shaaciyay in uu degay markab Gujis ah oo la lala’aa tan iyo Arbacadii.
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Milateriga Indonesia ayaa shaaciyay in uu degay markab Gujis ah oo la lala’aa tan iyo Arbacadii.

Lama oga inay jirto cid ka badbaaday 53 badmaax oo saarnaa gujiska. Markabka ayaa ku lumay xeebaha jasiiradda Bali kaddib markii uu codsaday inuu quuso si uu uga qeyb qaato dhoolatus loo adeegsanayo gantaallada badda hoosteeda lagu rido.

Wuxuu sidatay oo keliya oksijiin ku filan saddex maalmood.

Ciidamada badda ee Indonesia ayaa ku adkeysanaya in markabka ay xaaladdiisu wanaagsan tahay laakiin shiidaal saliid ah oo loo maleynayo in markabka uu quusay ayaa walaac ka muujiyay in haanta shidaalka ay waxyeelo soo gaartay.

Markabkan Jarmalka laga dhisay wuxuu jiray in ka badan 40 sano laakiin waxaa lagu soo celiyay lacag celin sanadkii 2012.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post