900 Views

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka oo lagu soo dhaweeyay Shirkii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka oo lagu soo dhaweeyay  Shirkii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Shirkii ay dhawaan yeeshen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayey hanaanka doorashada iyo dar-dar gelinta heshiiskii hore loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa waxay dhinacyada ugu baaqeen inay uga soo baxaan heshiiskii si aan dib u dhac laheyn, si hore loogu sii socdo, islamarkaana ay dalka uga qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo ku mudeysan xiligii lagu heshiiyey.

“Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii June, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa hoosta ka xariiqeyna in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyey.”

https://3c31cef569e918888a08631b31f132ab.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka usoo jeediyeen madaxda iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha doorashada inay si joogto ah u yeeshan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah, si loo xaliyo caqabad kasta oo lasoo gudboonata hanaanka doorashada.

“Waxaa ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg-deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.”

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post