960 Views

Odayaasha Galmudug oo bilaabay soo xulista Xildhibaanada cusub

Odayaasha Galmudug oo bilaabay soo xulista Xildhibaanada cusub
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabaya soo xulista Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

 

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

 

 

 

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment