741 Views

Madaxweynaha Puntland oo xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare la yeeshay Baarlamanka

Madaxweynaha Puntland oo  xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare  la yeeshay  Baarlamanka
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 2021

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, wuxu la yeeshay  Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post