864 Views

Waan waan laga dhex waday Ahlusunna iyo Galmudug oo fashil ku dhamaaday

Waan waan laga dhex waday Ahlusunna iyo Galmudug oo fashil ku dhamaaday
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Dhusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu fashilmay waan waan laga dhex waday maamulka Galmufug iyo Ahlusunna.

Wararka ayaa sheegaya in shir u socday dadka Degaanka iyo Ahlusuna uu ku soo dhamaaday fashil, waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamada Galmudug ay Dagaal ku qaadaan saacadaha soo socda Magaalada Guriceel.

Sidoo kale Ahlusunna ayaa ka hor timid waan waan uu waday Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan, waxaana tani muujinyaysaa in Galmudug iyo Ahlusunna ay ku kala bixi karaan oo kaliya dagaal.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post