891 Views

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle oo maanta magaalada Burco ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook, waxaa uu ku yiri

“Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco.

Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo”.

Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle ayaa maalmihii isbitaalka guud ee magaalada Burco lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, ka dib markii uu halleelay xanuunka Coronavirus.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post