558 Views

Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka Guriceel oo sheegay in ay garab taagan Yihiin Ahlu Sunna hubkana qaatay

Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka  Guriceel oo sheegay in ay garab taagan Yihiin Ahlu Sunna hubkana  qaatay
____________________________________________________________________________


Axad: October 3, 2021

Wararka ka imaanaya magalada Guriceel ayaa sheegaya in inta badan Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Magaalada Guriceel  ay ku biireen Maleeshiyaadka Ahlusuna ayna hubka qaateen.

Macalimiintan oo hubka qaatay ayaa Warbaahinta kula hadlay Magaalada Guriceel, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo Jimcihii la wareegtay gacanta ku haynta magaaladaasi.

Sidoo kale waxay sheegeen in muddadii Ahlu Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in Shabaabkii aan ku dhiiran jirin inay yimaadaan deegaanada Galmudug ay muddadaasi culeys weyn soo gaareen dhulka Galmudug, isla-markaana ay la wareegeen inta badan deegaanada hoos yimaada magaalooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post