2145 Views

Sawiro:-Taliyaasha Ciidanka Booliska G/Banadir Oo Ladalacsiiyey

Sawiro:-Taliyaasha Ciidanka Booliska G/Banadir Oo Ladalacsiiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka, Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiishan dhalinyarada dalacsiiyay, kaddib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

 

Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ah Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John oo ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, waxaa loo dalacsiiyay darajada Sareeye Guuto, sidoo kale kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Jeego ayaa isna loo dalacsiiyay G/sare.

 

Munaasabadda lagu dalacsiinayay saraakiishan oo loogu xirayay darajooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro.

 

Inta badan Saraakiishan ayaa ahaa kuwii horay uga tirsanaa Ciidanka Nabadsugida ee lagu biiriyay Ciidamada Booliska, waxaana bishii April loo magacaabay Taliyeyaasha saldhigga Booliska iyo Taliye qeyb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment