1251 Views

Shir lagu dhisamyo Maamul cusub oo uu yeesho Galmudug oo maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

Shir  lagu dhisamyo Maamul cusub oo uu yeesho Galmudug oo  maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

 
khamiis: December 9, 2021

 Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud,  ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka furmay shir looga hadlayo maamul badbaadiya maamulka Galmudug in uu  halkaas ka furmay.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

“Galmudug waxaa wax uga dhisanay xuquuqdeeda in aan wax ku yeelano, haddii aan ka weynay xuquuqdeena waalid nooma aha oo xaq naguma laha in aan tashano ayaa xaq u leenahay,” ayuu yiri Oday kamid ah Odayaasha beelahaas oo ka hadlay shirkaas.

Sidoo  kale Waxay sheegen in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uu dhageysan waayey tabashadooda, islamarkaana aysan maamulka ku haysan adeegyadii aasaasiga ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post