1200 Views

Feysal Cali Waraabe”Waxaan ka tashanay inaan Soomaaliya badbaadino”

Feysal Cali Waraabe”Waxaan ka tashanay inaan Soomaaliya badbaadino”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo halkaasi kula qaatay siyaasiyiin Caanka ah Soomaaliya oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

 

Eng, Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen inay ka hortagaan qorsho ay wadaan,Madaweyne Farmaajo,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo dalal kale oo Dekadaha soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay inay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorsho Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo itoobiya.

 

“Laba mid  ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya,madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Badeena,waayo Farmaajo ayaa Nin Ina Adeerkiis ah u Magacaabey in Badda la siiyo ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment