702 Views

Safarkii Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo qaatay 24 saac halka ay Villa Somaliya sheegtay 48 saac habeen hore.

Safarkii Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo qaatay 24 saac halka ay Villa Somaliya sheegtay  48 saac habeen hore.
____________________________________________________________________________

.

April 20-2021

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay soo gabagabeeyay socdaalkiisii dalka Congo, isagoo saaka aroortii xilli aan la fileyn si guuro ku galay magaalada Muqdisho.

Safarka farmaajo oo Villa Somaliya ku sheegtay laba maalin ayaa ku soo idlaaday 1 maalin, taasi oo la daremi karo Culeeska siyaasadeed ee heesta farmaajo, Waxa uuna soo gaaray salaadii subax saaky a garoonka Muqdisho, waxaana  kusoo dhoweeyay saraakil kooban.

Socdaalka Maxamed Farmaajo ee magaalada Kinshasa oo ahaa mid lama filaan ah ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada, kadib marki warar kala duwan ay soo kala saareen Madaxtooyada Congo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Farmaajo.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post