711 Views

Gujarat: Ilmaha Hindiga ah ee labada goor la afduubay

Gujarat: Ilmaha Hindiga ah ee labada goor la afduubay
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Ilmo laba maalmood jiray oo ay dhashay muruqmaal ku nool gobolka galbeed ee Gujuraat ee dalka Hindiya ayaa la afduubay mar uun maahee laba goor. Wariyaha laanta Gujuraatiga eee BBC Bhargave Parikh ayaa sababta ogaaday.

“Mar kale inankaygu meel aan arkayo ka fogaan maayo” aya tidhi Meena Wadi oo ah muruq maal sabool ah oo ku nool magaalada Gadhinagar ee Gujurat.

Hooyadan 25 jirka ah waxay weli ka naxsantahay ilmaheeda oo isaga oo laba bilood jir ah laba goor la afduubay.

Rafaadka Meena wuxuu billaabmay maalin ay ku soo noqotay guriga oo ay ka timi isbitaalka iyadoo ilamaha sida- 1 Abriil.

Waxay sheegtay in haweenay sheegatay in ay tahay kalkaaliso ka tirsan isbitaalka ay ku umushay ilmaha ay guriga ugu timi oo ay u sheegtay in ilmaha laga doonayo isbitaalka si loo talaalo ka dibna Meena oo wadada inankeedii ayaa haweenaydaa u raacday isbitaalka. Gabadhii ayaa ilmihii ka qaaday oo ku tidhi Meena sug inta ilmaha la sawirayo.

Saacadaa dhaafay, laakiin haweenaydii ma soo noqon. Meena oo naxsan ayaa bilowday inay raadiso. “Markay oohintaydii maqleen ayaa waardiyaashii isbitaalku i waydiiyeen wixii dhacay. markaan u sheegay waxay igu yidhaahdeen booliska la hadal” ayay tidhi.

43,000 iyo dheraad caruur ah ayaa lagu waayey Hindiya sanadkii hore sida ay sheegtay wasaarada haweenka iyo kobcinta dhalaanku. Gujuraat, xogta rasmiga ahi waxay tibaaxaysaa in 3500 caruur ah sanad kasta la waayo.

Dadka u dooda xuquuqda caruurta ayaa sheegay in tiradu intaa ka badan karto maadaama oo waalidiinta saboolka ahi aanay dhacdooyinka booliska u sheegin- laakiin Meena iyo ninkeeda Kanu isla markiiba booliska ayay wargeliyeen.

Raadintii

“Meena may garanayn wax ay ahayd haweenaydu, xataa magaceeda. Xataa may tilmaami karayn” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska oo la yidhaa HP Zala oo baadhitaanka waday.

Markii Zala iyo kooxdiisu ay baadheen muuqaaladii ay duubtay kamarada CCTV ee ku taalay agagaarka isbitaalku. Waxay heleen saansantii koobaad- gabadh ku socota dhanka wadada weyn oo sidata wax ay ku hoos qarisay foodada ay huwanayd. ma noqonkaraa ilmihii? way adkayd in la sheegaa.

Markay weydiiyeen ku dhawaad 500 oo dirawalada bajaajta ah ayay xogtii ay heleen isku geegeeyeen. Haweenayda muuqaalka ka muuqataa waxay bajaaj u raacday tuulo u dhaw. Goobjoogayaashu waxay shegeen in ay arkeen in ay ilmo sidatay.

Mar la baad ayaa boolisku muuqaaladii CCTV ka heleen tuulada waxaanay su’aalo waydiiyeen tukaamadiii ku yaalay wadada. markay waxyaabo badan ogaadeen oo ku hagaajiyey tuulo kale oo haweenayda la sheegay in markii u dambaysay lagu arkay.

Baadhitaanka goobta laga bilaabay wuxuu ku hagay beer laga hayaamay waxaanay ka heleen dhar dumar iyo Aadhaar Kaar oo ah aqoonsiga biometeric-ga ah ee aqoonsiga. iyagoo yaaban ayay tageen ciwaankii ku qoranaa aqoonsiga.

Waxay heleen haweenay ilmo haysata laakiin ilmuhu ma ahayn kii Meena.

Gabadhii waxay booliska u sheegtay in ninkeedu haweenay kale ka raacay oo ay sida ay sheegta iyadana alaab ka xadday oo uu ka mid yahay kaarkeeda aqoonsiga ee ay heleen. ilmaha ayay ku dartay wuxuu ahaa inay u dhashay nin kale oo ay guursatay.

“Waxaanu bilawnay inaanu raadino ninkeedii waxaan helnay lamaane ilmo haysta oo degan ciwaankii ay gabadha hore noo tilmaantay” ayuu yidhi Zala. baadhitaanka hidde sidayaasa ayaa muujiyey in uu ilmahaasi ahaa kii Meena.

Lamaanihii baa la xidhay laakiin hadana waxa lagu sii daayay damiin.

Haweenaydu sida la sheegay way qiratay in ay afduubtay Meena ilmaheeda oo ay isku dayday inay ku masabiddo haweenaydii hore ee uu ninkeedu qabi jiray dharkeeda iyo aqoonsigeedana ku tuurtay beerta. laakiin ninka ayaa la sheegay inuu booliska ku yidhi inaanu waxba ka ogayn arintaas oo uu u haystay inuu isagu ilmaha dhalay.

Hawenaydu waxay sheegtay in ay dhashay ilmo mayda oo ay ka baqaysay in ninkeedu naag kale ka raaco hadii ay guriga ku soo noqon waydo iyada oo wiil sidata.

Boolisku waxay sheegeen hadalkeedu inaanu ahayn mid ku cusub.

Isku day labaad

Meena iyo Kanu way ku farxeen inay inankoodu dib u helaan laakiin farxadoodu ma sii jirin.

9 Juun laba bilood ka dib markii loo soo celiyey ayaa hada ay waayeen.

Meena oo u baxdya inay soo gurato alaabo la daadiyey ayaa ilmahana uu hurday geedka hoostiisa ayay tidhi. laakiin markay soo noqtay xoolkiisii kuma jirin.

markay iyada iyo ninkeedu ku yaaceen saldhiga booliska ayaa Zala sheegay inuu la yaabay in lamaanahan mar labaad ku soo noqdaa.

Mar labaad ayaa hadnaa muuqaaladii CCTV ay baadheen ka dhawaa agagaarka waxaana laga ogaaday nin laga shikiyey oo ilmo yar isagaa ku sita dhugdhugley la arkay isla maalintaa ilmaha la waayey.

Laakiin markii boolisku daba galay ninkii wuxuu u sheegay in aanu isaga ahayn qofka dhugdhuqlayda watay maalintaa ee uu ahaa saaxiibkii oo ku nool gobolka ay jaarka yihiin ee Rajasthan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post